Man United Oo Diyaarinaysa Dalab Ay Ka Gudbiso Xiddig Aad Loo Qiimeeyo, Booskee Ayuu Ka Ciyaaraa.

0
120

Baladweyne (Radio Beerlula)Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso dalab Rasmi ah oo ay ka gudbinayso xiddiga daafaca midig uga ciyaara kooxda Lyon ee Malo Gusto.

19-sano jirku waxa uu noqday mid ka mid ah magacyada ugu horreeya ee shaxda kooxda ee Les Gones sanadkii la soo dhaafay waxana uu sameeyay hal caawin 14 kulan oo uu ciyaaray ilaa haatan.

Gusto ayaa xiddig joogto ah ka mid noqday kooxda Lyon waxana uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doona xagaaga 2024.

Qaab ciyaareedka da’yarka ayaa keentay in uu soo jiito xiisaha kooxda Man United, xilli ay Lyon ku qasbanaan karto in ay iibiso xiddiga hadii uuna heshiis cusub qalinka ku duugin.

Sida laga soo xigtay Media Foot, Red Devils ayaa diyaarinaysa dalab dhan 30 milyan oo euro oo u dhiganta (£26.6m) oo ay ku doonayso xiddiga rer France ee 19 jirka ah si ay ugu xoojiso kooxda suuqa January.

Tababaraha Man United Erik ten Hag ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu keeno kooxda xiddig Diogo Dalot kula tartama booska daafaca Midig inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Da’yarka ayaa lix sano ku qaatay Lyon tan iyo markii uu ku soo biiray akadeemiyadooda 2016, waxaana uu diiwaan geliyay lix caawin 53 kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii uu u soo biiray kooxda koowaad.