Man United oo Garaacday Everton Iska Xaadirisay Wareega 4-aad Ee FA Cup-ka.

0
108

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Man United ayaa guulka gaadhay kooxda Everton iskana xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka kulan ka dhacay Old Trafford.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxoodoba heleen fursado fiican xilli Man United maamulaysay ciyaarta.

 

Man United ayaa daqiiqadii 4-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Antony kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Everton ayaa isku dayday in ay soo laabato waxana ay sameeyeen fursado fiican oo ay ku doonayeen in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 14-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Conor Cody kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

 

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood bar-baro ku yihiin labada kooxood isla markaas labada kooxoodba u qalmeen in ay dhaliyaan goolal.

Man United ayaa daqiiqadii 52-aad heshay goolka 2-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay daafaca Conor Coady kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Man United.

Everton ayaa dhalisay goolka bar-baraha laakiin waxa laga diiday goolkaas sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddigii soo dhigay kubada.

Daqiiqadii 90+7-aad ayay Man United dhalisay goolka 3-aad waxana rikoodhe u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United isaga xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.