Man United oo guushii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan gaartay, kaddib markii ay ka adkaatay Liverpool

0
140

Baladweyne (Radio Beerlula)-Man United ayaa guushii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan gaartay kaddib markii ay ka adkaatay 2-1 Liverpool oo marti ugu ahayd Old Trafford, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 16-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Jadon Sancho, waxaana caawinta goolkan lahaa Anthony Elanga.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

53 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Rashford oo ay caawin kaga timid Martial ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.

Laakiin daqiiqadii 82-aad kooxda Liverpool ayaa soo celisay gool, waxaana ciyaarta 2-1 ka dhigay weeraryahankooda Mohamed Salah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Manchester United, kooxda Liverpool oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, Red Devils ayaa sidaas gacanta ugu dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horreysay horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka