Man United oo Heshiis ka gaartay saxiixa xiddig ay muddo dheer dooneysay

0
291

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester United ayaa ku dhow inay dhameystirto heshiis 62 milyan ginni ah oo ay kula wareegeyso xiddiga khadka dhexe ee Sporting Lisbon Bruno Fernandes sida ay wararku sheegayaan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu waramayaa inuu saxiixa Bruno Fernandes ka dib diirada saari doono dhameystirka xiddiga kale ee khadka dhexe ee kooxda Lazio Sergej Milinkovic-Savic.

Madaxa maamulka Manchester United Ed Woodward ayaa seegay fasaxii xagaaga ee Manchester United si uu u dhameystiro heshiisyada cusub.

Wargeyska Talyaaniga ee Corriero Dello Sport ayaa ku waramaya in kooxda ay durbaba kala heshiisay kooxda Sporting saxiixa Fernandes oo 24 sanno jir ah.

Waxaa sidoo kale la sheegay in xiddiga khadka dhexe uu u soo duulayo England si uu tijaabada caafimaadka u maro.

Laakiin wargeyska Portugal ka soo baxa ee A Bola ayaa sheegaya in Solskjaer uu marka hore doonayo in la dhameystiro heshiiska daafaca dhexe ee kooxda Leicester City Harry Maguire oo ku kacaya 80 milyan ginni.

Daafaca dhexe ee Leiceser ayaa heshiiskiisa la dhameystiri karaa waqti walba ka dib markii ay wadahadaladu noqdeen kuwa daba dheeraaday.

Tababaraha Red Devils ayaana ka dib u dhaqaaqi doona inuu khadkiisa dhexe ku xoojiyo saxiixyada Fernandes iyo Milinkovic-Savic.

Tababaraha Sporting Marcel Keizer ayaa xaqiijiyay inuu isku diyaarinayo bixitaanka xiddiga khadka dhexe Fernandes.

Fernandes ayaa 32 gool dhaliyay islamarkaana caawiye ka ahaa 18 gool kale xilli ciyaareedkii hore.

Halka Milinkovic-Savic oo 24 sanno jir ah muddo dheer lala xiriirinayay Manchester United iyadoo Jose Mourinho uu xagaagii hore isku dayay inuu la soo wareego xiddiga Lazio.

Waxaana la rumeysan yahay in xiddiga heerka caalami ee Serbia inuu u sheegay asxaabtiisa Lazio inuu kooxda ka tagayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here