Man United oo ka Jawaabtay Wararka Harry Maguire ee La Xidhiidhinaya Aston Villa.

0
129

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Man United ayaa ka jawaabtay wararka Kabtankooda Harry Maguire la xidhiidhinaya kooxda Aston Villa.

Saacadihii ugu dambeeyay waxa soo baxay warar sheegaya in uu Maguire qarka u saaranyahay ku biirista kooxda Aston Villa.

Xitaa waxa jira wara sheegaya in uu xiddigu ku sugan yahay magaalada Birmingham si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda.

Laakiin sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Man United ayaa beenisay wararkaas isla markaas ku tilmaamtay kuwo aanay waxba ka jirin.

Isla saxafiga ayaa sheegay in uuna jirin wax wadahadalo ah oo u dhexeeya labada kooxood iyo waliba xiddiga iyo kooxda Aston Villa.

Maguire ayaa la filayaa in uu sii joogo kooxda Man United iyada oo ay kooxdu si cad u sheegtay in uuna xiddigu ka tagayn kooxda suuqa January.