Man United oo ku dhawaaqday in Real Madrid ay kala heshiisay saxiixa Casemiro

0
130

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gaartay Real Madrid kaasoo ku saabsan saxiixa xiddiga reer Brazil Casemiro.

Waxa ay kooxda reer England sheegtay inay ka shaqeynayso haatan sidii ay laacibka ugu heli lahayd dal ku galka UK iyo sidii uu tijaabada caafimaad u mari lahaa.

Casemiro ayaa saftay xirfadiisa ciyaareed in ka badan 500 oo kulan oo ay ku jiraan 63 kulan oo uu u saftay xulkiisa qaranka Brazil, waxaana uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu muhiimsanaa sanadihii ugu dambeeyay ee Los Blancos.

Qandaraaska Casemiro ee Manchester United ayaa la filayaa inuu dhaco ilaa 2026, waxaana la filayaa inuu yimaado sabtida si uu ugu maro baaritaano caafimaad kahor inta aan si rasmi ah loogu soo bandhigin saxaafada.

Saxaafada ayaa sheegtay in Manchester United ay kaga bixin doonto 70 million pounds heshiiska Casemiro, ciyaaryahanka ayaana heli doona mid ka mid ah mushaaraadka ugu sareeya kooxda Red Devils.

Casemiro waxa uu ku guuleystay 17 koob oo waa weyn xirfaddiisa ciyaareed oo ay ka mid yihiin 5 Champions League iyo Copa America.