Man United oo Old Trafford guul kaga gaartay kooxda Arsenal

0
138

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul kaga gaartay kooxda Arsenal, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 35-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Antony, waxaana ka caawiyay Marcus Rashford.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

60 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd kooxda Arsenal ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay da’ayarkooda reer England ee Bukayo Saka.

Daqiiqadii 66-aad Manchester United ayaa markale la wareegtay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Marcus Rashford, waxaana ka caawiyay Bruno Fernandes.

Marcus Rashford oo ay caawin kaga timid Christian Eriksen ayaa daqiiqadii 75-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Manchester United, kooxda Arsenal oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, United ayaa soo fariisatay kaalinta 5-aad ee dhanka kala sareynta Premier League waxayna leedahay 12 dhibcood, halka Gunners oo horyaalka hoggaamineysay ay leedahay 15 dhibcood.