Man United oo Old Trafford saddexda dhibcood kaga qaadatay Nottingham Forest

0
125

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United oo saddexda dhibcood kaga qaadatay Old Trafford kooxda Nottingham Forest, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca 17-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 19-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Rashford, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Eriksen.

22 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Martial oo caawin ka helay saaxiibkiis Rashford, ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Red Devils.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 87-aad kooxda Manchester United ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Fred oo caawin ka helay xiddiga ay isku wadanja ka soo wadajeedaan ee Casemiro.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 ay kaga adkaatay Manchester United, kooxda Nottingham Forest oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, Red Devils ayaa miiska kala sarreynta horyaalka kaga jirta booska 5-aad, waxayna leedahay 29 dhibcood.