Man United Oo Premier League Dib Ugu Soo Celinaysa Weeraryahan Khabiir Ah.

0
141

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Burnley ee Wout Weghorst.

Red Devils ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub suuqa Janaury kadib markii ay iska fasaxday xiddiga Cristiano Ronaldo.

Anthony Martial iyo Marcus Rashford ayaa ah xiddigaha kaliya ee weerarka ka ciyaari kara iyada oo Erik Hen Hag doonayo in uu helo weeraryahan cusub.

Sida laga soo xigtay ESPN, weeraryahankii ugu dambeeyay ee lala xidhiidhiyay Man United ayaa ah xiddiga Weghorst, kaasoo haatan amaah ugu ciyaara kooxda Turkiga ee Besiktas.

Weghorst ayaa ka tagay Wolfsburg bishii January ee la soo dhaafay waxana uu ku biiray Burnley laakiin waxa uu ku fashilmay in uu kooxda ka caawiyo in ay sii joogto premier league.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhiga kooxda reer Turkey waxana uu so jiitay indhaha tababaraha Man United.

Erit Ten Hag ayaa doonaya in uu xiddiga isku dalka yihiin ku xoojiyo kooxdiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka isla markaas qaab amaah ah ku helo.