Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wararka ka imaanaya Sportskeeda ayaa sheegaya in Bruno Fernandes, khadka dhexe ee Manchester United, uu qirtay inuu diyaar u yahay ku biirista kooxda Al-Ittihad ee Sacuudiga haddii ay buuxiyaan shuruud uu dhigay.
Xiddiga reer Portugal ayaa dalbaday in kooxda Sacuudiga ay bixiso £33 milyan si uu u aqbalo heshiiska.
Fernandes ayaa xagaagan si weyn loola xiriirinayay kooxaha Sacuudiga, iyadoo hore loogu xamanayay inuu u wareegi karo Al Hilal. Isaga laftiisa ayaa mar sheegay:
“Haddii maalinta ay kooxda go’aansato in aan wax kusoo kordhineyn kooxda ama ay tahay in la kala tago, kubadda cagtu waa sidaas — weligeed lama hubo waxa dhici doona.”
Waxaa horey loo xaqiijiyay in United ay diiday dalab culus oo ay Al-Ittihad ka gudbisay kabtankooda. Si kastaba, wararka The Sun ayaa hadda tilmaamaya in kooxda Sacuudiga ay sii wadato xiisaha Fernandes, isla markaana wada-hadallo togan ay la yeesheen wakiilladiisa.


