Man United Oo Real Madrid Iyo Liverpool Ku Garaacaysa Saxiixa Enzo Fernández,

0
115

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Benfica ee Enzo Fernandez sida ay sheegayaan Wararku.

Enzo Fernandez ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Liverpool iyo Real Madrid todobaadyadii ugu dambeeyay iyaga oo doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Liverpool ayaa xitaa laga diiday dalabkii ugu horeeyay ee ay ka gudbisay xiddia kaas oo dhamaan 100 milyan oo euro.

Laakiin Sida laga soo xigtay saxafiga reer Portugal ee Bruno Andrade, Man United ayaa haatan ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Man United hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga da’yarka ah ee aadka loo qiiimeeyo.

Waxa ay waararku intaas ku darayaan in ay Man United diyaar u tahay in ay bixiso lacagta 120 milyan ee ay Benfica ku qiimayso xiddiga reer Argentina si ay uga fogaato tartanka.

Xiddiga Enzo Fernandez ayaa xulka qarankiisa Argentina kula guulaystay koobkii adduunka ee lagu qabtay dalka Qatar ee dhamaaday bishan.

Waxa xusid mudan in Enzo Fernandez uu ku guulaystay da’yarkii ugu fiicnaa tartanka koobka adduunka waxana uu soo jiitay indhaha Erik Ten Hag.