Man United oo si layaab leh ugu soo biirtay kooxaha ku tartamaya saxiixa Depay

0
25

Baladweyne (Radio Beerlula)- Sida laga soo xigtay wargeysyada maanta oo Arbaco ah Manchester United ayaa ka fiirsaneysa tallaabo la yaab leh oo ay ku soo celineyso adeegga xiddiga reer Holland ee Memphis Depay.

28-sano jirkaan ayaa waqti aan fiicneyn ku soo qaatay Man United intii u dhaxeysay 2015 illaa iyo 2017, iyada oo £31m kula soo wareegay tababare Louis van Gaal, laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkii laga sugayay, kaddib markii uu ku dhaliyay 7 gool 53 kulan, waxaana markii dambe laga iibiyay Lyon.

Laakiin wargeyska Marca ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in tababaraha cusub ee reer Holland, iyo kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ay suurtogal tahay inuu ku dalbado saxiixa Memphis Depay qiimo lacageed dhan £8m.

Magaca Depay ayaa kasoo muuqday liiska ciyaartoyda ay Barcelona dooneyso inay iska iibiso si ay meesha kaga saarto mushaarka uu kooxda ka qaato.

Manchester United ayaan kali ku ahayn raacdada loogu jiro saxiixa Memphis Depay, sidoo kale waxaa si weyn lala xiriirinayaa kooxaha Juventus iyo Tottenham Hotspur.