Man United Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Marc Cucurella

0
90

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda Man United ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga kooxda chelsea Cucurella sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa suuqa ugu jirta xiddig daafaca Bidxi ah si ay ugu badasho Luke Shaw oo dhaawac ku maqnaan doona.

Xiddiga Cucurella ayaa ogolaansho siiyay kooxda Man United si ay u dhamaystiraan heshiisa maalmaha soo socda.

Man United ayaa haatan go’aansatay in uu Cucurella yahay xiddiga ay doonayaan waxana ay isaga hadhayaan dhamaan bartilmaameedyada kale.

Red Devils ayaa haatan wadahadalo la galaysa kooxda chelsea iyaga oo amaah ku doonaya xiddiga reer Spain.