“Man United way i khiyaantay mana ixtiraamayo Ten Hag” – Ronaldo

0
164

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa weerar ba’an ku qaaday maamulka farsamada kooxda Man United isaga oo weerar ku qaaday tababarihiisa Erik ten Hag.

Wargeyska Manchester Evening News ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu bixiyay Cristiano Ronaldo, kaasoo uu ku sheegay in uu dareemayo in la khiyaamay, sababtoo ah waxa uu dareemayaa in dadka qaar oo uu ku jiro tababare Ten Hag ay doonayaan in ay kooxda ka fogeeyaan.

Ronaldo ayaa sii huriyay jawiga qalcadda Manchester United wuxuuna yiri:

“Haa waxaan dareemay in la khiyaameeyay si daacad ah, ma aha inaan dhaho taas, ma aqaano laakiin dan kama lihi, dadku waa inay maqlaan.”

“Waxaan dareemay in la khiyaameeyay oo waxaan dareemay in dadka qaar aysan ila rabin halkaan, kaliya maahan sanadkan laakiin sanadkii hore sidoo kale.”

“Ma aha kaliya tababaraha, laakiin laba ama saddex qof oo ka mid ah kooxda.”

Ronaldo oo ka hadlaya tababarihiisa Erik ten Hag.ayaa yiri:

“Wax ixtiraam ah uma hayo isaga sababtoo ah isagaba iima muujiyo ixtiraam, haddii aadan i ixtiraamin, weligay ku ixtiraami maayo.”