Manchester City oo ku xasuuqday Etihad Stadium kooxda Brighton

0
468

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester City ayaa guul weyn ku gaartay Etihad Stadium, kaddib markii ay 4-0 ku garaaceen kooxda Brighton & Hove Albion.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 2-aad ee bilawga ciyaarta Kevin De Bruyne ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Manchester City kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis David Silva, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0.

Sergio Aguer ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Manchester City daqiiqadii 43-aad wuxuuna dheesha ka dhigay 2-0, kaddib caawin uu ka helay Kevin De Bruyne.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay garoonka lasoo galeen qaab ciyaareed heersare ah, iyaga oo sameeyay fursado dhowr ah ee loo filan karay goolal.

55 daqiiqao Sergio Aguero ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hogaamineyso Skay Blues, David Silva ayaa markale caawiyay goolkan.

Bernardo Silva ayaa si toos ah u niyad jabiyay taageerayaasha kooxda Brighton daqiiqadii 79-aad, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Sergio Aguero wuxuuna dheesha ka dhigay 4-0

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 4-0, ay guusha ku raacday Manchester City, kaddib markii ay si la yaqaano ugu awood sheegteen naadigiga Brighton Etihad Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here