Manchester City Oo sedex Jibbaar Ka Dhigtay Mushaharka Da’yarka Helay Kalsoonida Guardiola

0
173

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester Ciy ayaa go’aamisay in saddex jibbaar laga dhigo mushaharka laacib da’yar ah oo hibadiisu sarrayso oo uu tababare Pep Guardiola usoo dallacsiiyey naadiga koowaad, isla markaana u ballan-qaaday fursad fiican oo uu siinayo.

 

Man City oo xagaagii ogolaatay in ay £42.5 milyan oo Gini ku iibiso Palmer oo u wareegay Chelsea, ayaa waxa kale oo ay hadda doonaysaa in ay meesha ka saarto fursad kasta oo sababi karta in ay mar kale lumiyaan ciyaartoy kale.

 

Oscar Bobb oo sannadkii 2019 ay Man City kasoo iibsatay Valerenga, lana filayo in sannadkii labaad oo xidhiidh ah uu ku guuleysto abaalmarinta xiddiga sannadka ee da’yarta ee kooxdiisa, ayaa waxa uu shan kooxood u saftay kooxda koowaad, waxaana ku jirtay ciyaartii Newcastle ee Carabao Cup oo uu kusoo bilowday.

 

Inkasta oo ciyaartaas laga badiyey Man City oo ay ka hadhay tartanka, haddana Pep Guardiola ayaa ammaanta ka haysan waayey Bobb oo yidhi: “Dhinac walba oo aad ka eegto waxa uu ahaa ciyaartoy cajiib ah, weerarka iyo difaacaba.”

 

Si ;kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa go’aamisay in Bobb oo u dhashay waddanka Norway ay ka saxeexdo heshiis cusub oo socon doona illaa sannadka 2029 oo saddex jibbaar sare u qaadaya mushaharkiisa hadda, waxaanu noqon doonaa ciyaartoyga ugu mushaharka badan da’yarta.

 

Da’yarkan ayaa waxa uu raacayaa raadka Phil Foden iyo Rico Lewis oo kooxda koowaad xubno muhiim ah ka noqday.