Manchester United Oo Afar Ciyaartoy Kusoo Kordhisay Safkeeda

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa soo bandhigtay lambarrada ciyaartoydeeda ee xilli-ciyaareedkan oo ay ku jiraan afar laacib oo da’yar ah oo loosoo dallacsiiyey naadiga koowaad, balse fursaddoodu noqon doonto mid aad u hoosaysa, maadaama uu badan yahay tartanka ay kooxdu u gelayso horyaalka Premier League iyo sidoo kale gudaha kooxda oo uu loollan adag ka jiro ciyaartoydeeda.

Inkasta oo wali aan website-ka kooxda lagu shaacinin lambarrada ciyaartoyda kooxda koowaad  ee kama dambaysta ah, haddana Manchester United ayaa waxay lambarrada ay u xidhanyaan kooxda koowaad  ku wareejisay afar xiddig oo da’yar ah kaddib markii loogu yeedhay tababarka horraantii toddobaadkan.

Goolhayaha da’yarta  ah ee Matej Kovar ayay Manchester United u xidhay No.38 isaga oo qayb ka noqon doona safarka kulamada  saaxiibtinimo ee xagaaga ee ay ku tegayaan waddanka Maraykanka, halka difaaca reer Spain ee Alvaro Fernandez uu qaadan doono No.42.

Kobbie Mainoo oo xilli-ciyaareedkii hore dhawr ciyaarood lagu soo daray liiska kooxda ayaa isagana loo geliyey No.37 oo uu kooxda koowad u xidhnaan doono, iyadoo Dan Gore gacanta laga saaray No.44.

Afartan ciyaartoy ee kasoo dallacay kulliyadda da’yarta ayaa waxa klae oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka saxiibtinimo ee habeen dambe ee magaalada Oslo ay ku ballansan yihiin Leeds United.

Lambarrada ay xidhanayaan afarta ciyaartoy ee lasoo dallacsiiyey

  • Kobbie Mainoo – 37
  • Matej Kovar – 38
  • Alvaro Fernandez – 42
  • Dan Gore – 44