Manchester United Oo Awood Dhaqaale U Adeegsatay In Barcelona Ay Ku Garaacdo Xiddig Reer Brazil Ah

0
108

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa war fiican oo dhinaca suuqa ah ka heshay waddanka Brazil, waxaanay hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro kubbad-sameeyaha kooxda Palmeiras ee Luis Guilherme oo ay hore ugula loollamaysay Barcelona, laakiin ay kooxda reer Spain iskaga baxday tartankiisa.

Luis Guilherme oo ay da’diisu tahay 17 jir oo ka ciyaara khadka dhexe ee weerarka raacay, ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan ee kasoo baxay kulliyadda da’yarta ee Palmeiras, waxaana uu isku muujiyey kulamadii uu u saftay kooxda koowaad.

23 ciyaarood oo fursad loo siiyey inuu u ciyaaro naadiga koowaad ayaa kusoo jeediyey indhaha adduunyada, kaddib bandhig heersare ah iyo ifafaale muujinaya inuu noqonayo xiddig weyn.

Luis Guilherme oo ay iska garab ciyaaraan Enrique oo ay Real Madrid iyo Barcelona ku dagaallameen, laakiin ay ku adkaatay kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid oo uu sannadka dambe iman doono, ayaa waxa si weyn u doonaysa Manchester United, laakiin Barcelona iyo Inter Milan ayaa iyaguna tartanka ku jiray.

Qandaraaska uu laacibkan kula jiro Palmerias ayaa lagu burburin karayaa €60 milyan oo Euro, mana doonayaan in ay tanaasul ka sameeyaan maadaama uu sannad ka hor saxeexay qandaraaskan oo soconaya illaa sannadka 2025.

Barcelona ayaa la sheegay in ay tartanka iskaga baxday markii ay ogaatay, in Palmeiras ay koox walba ku xidhayso €60 milyan oo Gini iyo ka badan, sababtuna waa in kooxda reer Spain ay waqtigan la daalaa-dhacayso dhaqaale xumo, taas oo Man United siinaysa fursad weyn oo ay kaliya u baahan tahay in ay muquuniso Inter Milan.

Xavi Hernandez iyo kooxdiisa ayaa waxa kaliya ay doonayaan in kooxdooda ay kusoo kordhiyaan da’yarka reer Brazil ee Vitor Roque oo ay hore heshiis ula gaadheen, balse ay qorshaynayaan in ay soo dedejiyaan oo bisha January uu yimaaddo Camp Nou.