Manchester United Oo Barbarro Niyad-jab Ah Ka Tuugtay Bournemouth

0
134

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayay u ahayd ciyaartii afraad ee xidhiidh ah ee horyaalka Premier League ay guul la’aan ka yihiin, iyadoo saddex ay barbarreeyeen marna laga badiyey waxaanay fursad siiyeen kooxaha ka sarreeya ee Tottenham iyo Aston Villa.

Toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ayay sidoo kale Manchester United hal mar oo kaliya guuleysatay, iyadoo saddex laga badiyey, saddexna ay barbarro galeen.

Daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta ayuu Dominik Solanke gool kaga nixiyey Manchester United oo ay cadaadis badan ku hayeen, waxaana uu goolkani ku keenay niyad-jab.

Hase yeeshee Bruno Fernandes ayaa niyadda usoo celiyey kooxdiisa Manchester United daqiiqaddii 31aad oo uu u keenay goolka barbarraha, waxaase shan daqiiqadood ugu jawaabtay Bournemouth oo uu hoggaanka dib ugu soo celiyey Jurtin Kluivert oo ah wiilka uu dhalay halyeygii reer Netherlands ee Patrcik Kluivert.

Bournemouth ayaa u dhowaatay inay keento gool saddexaad, waxaase badbaadin layaab lahayd sameeyey goolhaye Andre Onana ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Daqiiqaddii 65aad ayaa Manchester United loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Bruno Fernandes oo ciyaartii horena ahaa badbaadiyaha dhibicda usoo dhiciyey kooxdiisa.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta ayaa Bournemouth loo dhigay rikoodhe balse VAR oo laga soo hubiyey ayaa sheegtay in qaladku uu ka dhacay dibedda sidaas daraadeedna ay ku badbaadday Red Devils.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay u dhacday kaalinta toddobaad ee horyaalka Premier League oo ay ku haysato 50 dhibcood, waxaana farqiga goolasha ku dhaaftay Newcastle halka Aston Villa iyo Tottenham oo shanaad iyo afraad ah ay min toban dhibcood ka sarreeyaan.