Manchester United Oo Dhamaystirtay Heshiiska Rasmus Hojlund

0
112

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dhamaystirtay heshiiska weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo ay £72 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Atalanta oo mar dhoweyd ay heshiiskiisa si buuxda labada kooxood iyaga oo saxeexay isku dhaafsadeen.

Gellinkii hore ee Sabtidii maanta ayay labada kooxood mabda’ ahaan u heshiiyeen, waxaana saacado qaatay daabacaadda heshiiska oo ay qareennadu hubinayeen, kaas oo mar dhoweyd ay iyaguna gudbiyeen.

Manchester United ayaa waxay bixin doontaa £64 milyan oo kaash ah iyo £8 milyan oo Gini oo kale oo ku xidhnaanaya bandhigga ciyaareed iyo guulaha uu Hojlund ku gaadho muddada uu joogo Old Trafford.

Atalanta ayaa tanaasul ka samaysay qiiimaha laacibkan oo ay hore u dalbanaysay £77 milyan oo Gini, waxaanay isla meel-dhigeen £72 milyan oo Gini in ay ku dhameeyaan heshiiska, waxaana uu Hojlund qalinka ku duugi doonaa heshiis socon doona muddo shan sannadood ah oo uu wehelinayo sannad lixaad oo dookh ah oo ay Manchester United ku kordhin karto qandaraaskisa.

Rasmus Hojlund ayaa noqonaya saxeexii saddexaad ee ay Manchester United samayso xagaagan, waxaana ka horreeyey Mason Mount iyo Andre Onana, taas oo wadarta lacagta ay Manchester United kharash garaysay xagaagan ka dhigaysa £179.2 milyan oo Gini.

Hojlund ayaa waxa uu noqonayaa saxeexa lixaad ee ugu qaalisan taariikhda Manchester United, waxaana ka horreeya Paul Pogba oo sannadkii 2016 ay Man United kaga soo iibsatay Juventus lacag dhan £89 miyan o Gini, Antny oo xagaagii hore ay Red Devils kasoo bixisay £82 milyan oo Gini, Harry Maguire oo £80 miyan oo Gini ahaa, Romelu Lukaku oo £75 milyan oo Gini ay Red Devils kaga soo iibsatay Everton sannadkii 2017 iyo Jadon Sancho oo £73 milyan ay kagala soo wareegeen Borussia Dortmund.