Manchester United oo diyaarsatay liiska magacyada 7 ciyaaryahan oo ay doonayso inay la soo saxiixato

0
296

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarisay liis ka kooban 7 ciyaartooy oo ay doonayaan inay la soo wareegaan mustaqbalka.

Isagoo kaliya saddex xiddig ku soo daray kooxda intii lagu jiray suuqii xagaaga, tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu xoojiyo kooxdiisa koowaad bilowga sanadka 2020.

Inkastoo isbeddello badan aan la fileynin bisha Janaayo, haddana shabakadda ESPN ayaa sheegaysa in Man United ay soo saartay liiska ciyaartoyda ay rabto inay keento garoonka Old Trafford 10-ka bilood ee soo aaddan.

Sidoo kale waxaa macquul ah inay la soo saxiixato bisha Janaayo Mario Mandzukic, kaasoo ka door bidaaya Juventus, ciyaaryahanka Bournemouth ee Callum Wilson iyo xiddiga Lyon ee Moussa Dembele ayaa sidoo kale la sheegay inay liiskaan ku jiraan.

Afar meelood oo khadka dhexe ah ayaa sidoo kale lagu soo daray liiskan, iyadoo ay tixgelinayaan inay la soo wareegaan xiddiga West Ham United ee Declan Rice, John McGinn oo ka tirsan Aston Villa, Leicester City laacibkeeda ee James Maddison iyo ciyaaryahanka Barcelona ee Ivan Rakitic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here