Manchester United Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaartay Chelsea, Ciyaar Laba Casaan La Bixiyay

0
111

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaartay Chelsea kadib markii ay 2-1 ku garaaceen kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo ka dhacay Old Trafford.

Ciyaarta ayaa si degdeg ah u kululaatay markii goolhayaha Chelsea, Robert Sánchez, loo taagay kaarka cas daqiiqaddii 5-aad isagoo qalad ku galay Bryan Mbeumo, taas oo keentay in Blues ay 10 ciyaaryahan ku ciyaaraan. United ayaa fursadda ka faa’iideysatay, iyadoo Bruno Fernandes uu goolka furitaanka dhaliyay daqiiqaddii 14-aad.

Laacibka khadka dhexe ee Casemiro ayaa madax xoog leh ku dhaliyay goolkii labaad ee United daqiiqaddii 37-aad. Hase yeeshee, qeybtii hore dhammaadkeeda, Casemiro ayaa la siiyay kaarkiisii labaad ee jaalaha ahaa taasoo sababtay in isaga laga saaro garoonka, United-na lagu qasbay inay 10 ciyaaryahan ku ciyaaraan.

Chelsea ayaa dadaal xooggan sameysay qeybta labaad, waxaana daqiiqaddii 80-aad gool u dhaliyay Trevoh Chalobah, taas oo ciyaarta ka dhigtay mid xiiso badan. Si kastaba, difaaca adag ee United ayaa xaqiijiyay guusha, iyagoo helay saddexdii dhibcood ee muhiimka ahayd.

Guushan ayaa ah tii labaad ee xilli-ciyaareedkan ay helaan Red Devils, iyadoo cadaadis adag la saaray tababare Amorim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here