Manchester United oo guul ku furay Horyaalka Premier League

0
33

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wiilka ku fadhiya 36ka milyan ee Joshua Zirkzee ayaa noqday geesiga Old Trafford isagoo dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 87aad ee Fulham.

Weeraryahankii hore ee Bologna ayaa keeydka kala soo kacay Alejandro Garnacho iyadoo United ay ku dhibtooneysay inay burburiso daafaca kooxda Marco Silva.

Labada ciyaaryahan ayaana isku darsaday dhamaadkii ciyaarta iyadoo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Argentina uu kubad kasoo karoosay dhanka midig, Zirkzee ayaana si degan kubada u dabamariyay goolhayaha Fulham.

Bilowgii ciyaarta Andre Onana ayaa kubad halis ahayd ka badbaadiyay Kenny Tete, kadib markii kubad quwad lahayd oo ka baxday lugtisa uu se deg deg ah uu isaga moosay Onana.

Laakin United seddax jeer waxaa laga diiday badbaadino cajiib ah oo uu sameeyay goolhayaha Fulham Bernd Leno.

Laba isku day oo halis ah waxaa sameeyay kabtanka United Bruno Fernandes.

Fursadii seddexaadbee United waxay ahayd Mason Mount oo kaliya kubad gool loo fishay Leno ku garaacay markii Marcus Rashford uu ka soo dhex gudbay daafacyada Fulham.

Erik ten Hag ayaa ciyaarta ka hor sheegay in kooxdiisa aysan diyaar u ahayn ciyaarta, Laakiin way ku guulaysteen oo weliba waxay muujiyan dadaal dheeri ah.

Farxadda ka muuqatay xiddiga reer Netherlands dhamaadkii ciyaarta ayaa ahaa mid la jaanqaadaysa rajooyinka ku xeeran United.

Ciyaarta ayaana ku dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Manchester United.

Zirkzee waxa uu u qaatay ammaan weliba si degan, waxa ay xasuusinaysay nin kale oo reer Holland ah, Ruud van Nistelrooy, oo hadda ah masuul sare oo ka tirsan kooxda tababarka ee Ten Hag.

Taageerayaasha gurigooda ku sugna ayaa ku heesay magaca Van Nistelrooy markii uu ku sii jeeday qolka labiska, taasoo cadeynaysa heerka uu weli ka joogo kooxda.

Haddii Zirkzee uu ku dhawaado 150-ka gool ee shantii xilli ciyaareed ee uu Van Nistelrooy u dhaliyay United, aad ayuu u fiicnaan doonaa.

Sida ay tahay, si la mid ah 23-jirka caanka ah ee ay isku waddan yihiin, wuxuu dhaliyay goolkiisii ​​​​ugu horreeyay ee

 Premier League , wuxuuna ka dhaliyay Fulham.