Baladwayne ( Radio Beerlula )-Manchester United ayaa soo bandhigtay saxiixa daafaca Yoro, kaasi oo adduun dhan €62 Milyan Oo Ginni kaga soo biiray kooxda Faransiiska ee Lille.
Yoro ayaa qalinka ku duugay heshiis Shan Sano ah oo uu Old Trafford kusii heeynaya ilaa June 2029.
Yoro oo kadib heshiiskiisa cusub hadlay ayaa waxa uu yiri:-
“Waan ogahay taariikhda ciyaartoyda da’da yar ee Man United, waxaana dareemayaa inay noqon karto meesha ugu fiican ee aan ku gaari karo awoodeyda oo aan ku gaaro hamigayga,”
Tan iyo markii ugu horeysay ee aan la hadlo naadiga, waxay dejiyeen qorshe cad oo ku saabsan sida aan u horumarin karo qayb ka mid ah mashruucan xiisaha leh, oo muujinaya daryeel badan oo aniga iyo qoyskayga ah “.
“Waa sharaf cajiib ah in aan u saxiixo kooxda heerka sare ee Man Utd”. Ayuu yiri Yoro.
Dhanke kale Agaasimaha Man United Dan Ashworth oo ka hadlay saxiixa Yoro ayaa yiri:-
“Leny Yoro waa mid ka mid ah daafacyada ugu xiisaha badan kubada cagta adduunka”.
“Iyadoo aan ku bilownay qaab ciyaareed heer sare ah waayihiisa ciyaareed waan ku faraxsanahay inaan ku taageerno si uu u gaaro awoodiisa weyn ee Manchester United”.
Yoro ayaa qeyb ka noqonaya Mashruuca cusub ee Ten hag iyo asxaabtiisa.