Manchester United Oo La Iibsaday

0
80

Baladwayne (Radio Beerlula )-Iibkii muddada dheer al sugayay ee Manchester United ayaa hadda si rasmi ah loo dhamaystiray, waxaana faraxsan jamaahiirta kooxda iyo tababare Erik ten Hag oo heli doona lacag kaash ah oo ay ku iibsadaan ciyaartooyo cusub iyo maamul kale oo hagi doona.

Manchester United ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay, in maanta la dhamaystiray iibka 25 boqolkiiba mulkiyadda kooxda oo uu la wareegay maalqabeenka reer Britain ee Sir Jim Ratcliffe oo muddo dheer ay wada-xaajood ku jireen qoyska reer Glazer ee tan iyo sannadkii 2005 iska lahaa mulkiyadda kooxda.

Shirkadda Ineos Group ee uu iska leeyahay Ratcliffe ayaa waxa ay bixin doontaa £1.25 milyan oo Gini oo ah qiimaha la isla meel-dhigay ee 25 boqolkiiba mulkiyadda kooxda.

War-saxaafadeed ay soo saartay Manchesrter United ayaa lagu yidhi: “Manchester United plc (NYSE: MANU) waxay shaacinaysaa in ay heshiis la gaadhay guddoomiyaha shirkadda INEOS, Sir Jim Ratcliffe oo uu yeelan doono 25 boqolkiiba mulkiyadda saamiyada dajada B (Class B) iyo 25 boqolkiiba saamiyadda dajada A (Class A), waxaana uu bixin doonaa $300 milyan oo dollar oo dheeraad ah oo uu ku maalgelin doono Old Trafford.”

Sir Jim Ratcliffe ayaa la sheegay in lagu wareejin doono maamulka kooxda oo uu isagu go’aan ka gaadhi doono iibka iyo tababareyaasha oo ay qoyska reer Glazer u daba fadhiisan doonaan.