Manchester United Oo Loo Sheegay Inay La Saxeexato Ronald Araujo Xilli Ay Dhaqaale-xumo Haysato Barca

0
92

Baladweyne (Radio Beerlula)-Rio Ferdinand ayaa usoo jeediyey kooxdiisii hore ee Manchester United in ay iska xoojiso difaaca marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda, waxaana uu u tilmaamay halbowle Barcelona ah iyo laacib kale oo uu rumaysan yahay in ay Old Trafford wax badan kusoo kordhin karayaan.

United ayaa lacago badan ku kharash garaysay difaacyo dhexe xilli-ciyaareedyadii u dambeeyey, waxaana ugu mdunaa Raphael Varane iyo Lisandro Martines oo ay lasoo darseen dhaawacyo soo noqnoqday.

Inkasta oo Harry Maguire uu dib u helay qaab-ciyaareedkiisii fiicnaa usbuucyadii dambeeyey, sidoo kalena uu kooxda joogo Jonny Evans oo dhawr ciyaarood saftay, waxa haddana Rio Ferdinand uu kula taliyey Erik ten Hag in uu laba difaac oo dhexe oo kale la saxeexdo.

Ferdinand oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Wiilka Lens ee Kevin Danso aad ayuu u wanaagsan yahay. Sidoo kale, wiilka Uruguay ee Barcelona ee Ronald Araujo ayaa heersare ah inkasta oo aanan ogeyn in la heli karayo iyo in kale.

“Ronald Araujo waa difaac dhexe oo aan caadi ku ahayn difaaca dhexe. Wax badan ayuu kusoo kordhin lahaa Manchester United, waxaana uu noqon lahaa laacibka ay u baahan tahay kooxdu.”