Manchester United Oo Loo Sheegay Qiimaha Weeraryahanka Ay Raadinayso Ee Evan Ferguson

0
94

Baladweyne ( Radio Beerlula )-19 jirkan ayaa xilli ciyaareedkan waxa uu hoggaamiye u noqday weerarka kooxda Brighton & Hove Albion oo uu xilli-ciyaareedkii hore usoo dallacay kooxda koowaad, taas oo 43 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay uu u dhaliyey 15 gool.

Paul Barber oo ah guddoomiyaha Brighton ayaa waxa uu shaaciyey qiimaha ay ku iibinayaan Evan Ferguson oo si weyn loola xidhiidhinayo Manchester United iyo Tottenham, kaas oo doonistiisa ay ku gacan sarrayso Manchester United.

Heshiiska ay Brighton kula jirto Evan Ferguson ayaa waxa uu soconayaa illaa sannadka 2029 oo uu dhowaan qalinka ku duugay, laakiin Paul Barker, ayaa waxa uu sheegay in ay ku iibinayaan £100 milyan oo Gini.

Barber oo warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu sheegay, in aanay meesha ka saari karaynin in ay iibinayaan laacibkan, inkasta oo uu heshiis waqti dheer ah u saxeexay kooxdiisa, balse waxa uu xusay in aanay ku degdegaynin iibkiisa.

Brighton oo sannadihii ugu dambeeyey ka mid ahayd kooxaha lacagaha badan ka sameeyey ciyaartoyda ay iibiyaan, ayaa waxa la filayaa in xagaaga foodda inagu soo haya ay cadaadis badan kala kulmi doonto kooxo waaweyn oo weerar kusoo qaadi doona Evan Ferguson.