Manchester United oo Qasnaddeeda u jabinaysa Harry Kane Kaddib Dhaawaca Anthony Martial

0
117

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa doonaysa inay la saxeexato weeraryahanka Tottenham iyo xulka qaranka England ee Harry Kane, waxaana uu warkani soo baxay xilli ay isku diyaarinayaan ciyaarta Arsenal ee Axadda oo uu dhaawac kaga maqan yahay Anthony Martial.

Harry Kane oo gelaya sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa Tottenham, ayaa uu tababare Erik ten Hag doonayaa inuu keeno Old Trafford, si ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League ee ay tobanka sannadood  ka qatan yihiin.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Manchester United ayaa isku diyaarinaysa dalab ay ka gudbiso Harry Kane oo uu tababare Erik ten Hag si gaar ah uga codsaday maamulka United inay u keentaan si ay uga faa’iidaystaan gool-dhalintiisa, kubbad samaynta iyo hoggaamintiisa oo uu rumaysan yahay inay tahay waxa kaliya ee kooxdu u baahan tahay.

Warku ma sheegin waqtiga rasmiga ah ee ay Manchester United gudbinayso dalabka 29 jirkan oo xilli ciyaareedkan 20 kulan oo Premier League ah oo uu saftay u dhaliyey Tottenham 15 gool, waxaana uu toddoba gool ka dambeeyaa Erling Haaland oo hoggaaminay tartanka kabta dahabka ah.