Manchester United oo Si Deg Deg Ah Kula Wareegeysa Super- Star Barcelona Ka Tirsan

0
127

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Manchester United ayaa diyaar u ah inay dalab 40 milyan oo euro ah u bandhigto xiddiga Barcelona Alejandro Balde, sida ay sheegayaan warar ka soo baxaya Spain.

Red Devils ayaa diyaar u ah in ay soo xerogeliso Balde inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee soo socda, inkastoo laga yaabo inay Barcelona kordhiyaan qiimaha.

Xiisaha Man Utd ee Balde ayaa yimid ka dib markii Amorim uu qirtay guuldaradii kooxdiisa kasoo gaartay suuqa kala iibsiga oo aysan wax saxiix weyn ka sameynin.

“Waxaan u maleynayaa in qof walba oo halkan jooga uusan dooneynin inuu sameeyo qaladaad la mid ah kuwii aan sameynay suuqii hore, waa inaan horumarinaa ciyaartoyda aan heysano,islamarkaana aan badino kuwa nagu soo biiraya suuqa xagaaga” Amorim ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Markii la waydiiyay in Man Utd ay halis galisay shaxdiisa 3-4-3, Amorim waxa uu ku jawaabay: “Taasi waa caddahay, sidoo kale waa mid xiiso leh. Waan ogahay waxay halis ku tahay natiijooyinkeena, laakiin waan la qabsan doonaa haddii aan helno saxiixyada aan u baahanahay.

Hadda wargeysyada Spain ayaa shaaca ka qaaday in damaca Man United yahay saxiixa daafaca bidix ee Barcelona Alejandro Balde, iyadoo tababare Amorim uu taageere weyn u yahay daafaca Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here