Manchester United Oo Si Xun Oo Bahdilaad Ah Looga Reebay Tartanka Carabao Cup

0
89

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka hadhay tartanka ay difaacanaysay ee Carabao Cup, waxaana Old Trafford ku karbaashtay Newcastle United oo 3-0 ku burburisay, xilli uu Erik ten Hag qarka u saaran yahay in shaqada laga caydhiyo.

Manchester United ayaa garan weyday si ay yeesho, waxaana dafirtay kubadda oo dhabarka u jeedisay halka Newcastle United ay dhinaceeda u janjeedhay.

Qaybtii horeba waxay Newcastle keensatay laba gool oo niyad-jab ku riday ciyaartoyda Manchester United kuwaas oo ku qasbay Erik ten Hag inuu si degdeg ah u sameeyo beddello waqtigii nasashada, halka waqti dambena uu garoonka iskugu keenay ciyaartoydii uu marka hore nasiimada u qoray.

Labadan kooxood oo iskugu yimid finalkii Carabao Cup ee xilli-ciyaareedkii hore, ayay Newcastle ka aargoosatay Man United oo koobkaas ka qaadday.

Kubbad uu Livramento kasoo reebay Alejandro Garnacho ayuu lasoo dhax orday khadka dhexe ee Manchester United, waxaana uu ula yimid difaacyahannada ka hor intii aanu dhinaca midig ugu tuurin Almiron oo si fudud dhinaca uga dhigay goolhaye Ter Stegen oo uu kula baxay.

Daqiiqado kaddib ayaa mar kale ay Newcastle United burburisay difaacyahannada Manchester United oo u muuqanayay in ay hurdeen, halka khadka dhexe oo ay kusoo wada bilowdeen Casemiro iyo Mason Mount aanay xisaabtaba ku jirin oo laga itaal-roonaaday, waxaana goolka labaad ka dhaliyey Lewis Hall.

Waqtigii nasashada ayuu Ten Hag saaray Casemiro oo kaadh digniin ah qaatay waxaana booskiisa uu keenay Sofyan Amrabat halka difaaca midig uu soo geliyey Aaron Wan-Bissaka oo muddo dheer maqnaa, balse waxay awoodi waayeen in ay ciyaarta wax ka beddelaan.

Joe Willock ayaa kubbad kasoo jiiday khadka dhexe daqiiqaddii 60aad, waxaana uu lasoo dhax-orday dhawr difaac ka hor intii aanu darbad xooggan ku tooganin goolka taas oo uu gaadhi waayey goolhaye Andre Onana.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Newcastle United, halka Manchester United oo garoonkeeda joogtay ay taageereyaasheedu waqti hore iskaga baxeen garoonka, sidaasna ay kooxdoodu kaga hadhay wareegga siddeedda Carabao Cup.