Maraakiib ku gubaneysa Gacanka Cummaan.

0
111

Baladweyne ( Radio Beerlula)-Baraha internetka ayaa si weyn loogu wadaagayaa sawirro muujinaya saddex markab oo gubanaya meel u dhow xeebaha Iran, gaar ahaan Gacanka Cummaan ee ku dhow marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

iyadoo aysan jirin xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday Iran ama dal kale oo gobolka ah , ayaa marka la eego nidaamka khariiradda NASA ee FIRMS, waxaa laga arkaya saddex goobood oo dab ka kacay gudaha Gacanka Cummaan, taas oo kor u sii qaadaysa suurtagalnimada in sawirradani yihiin kuwo dhab ah oo la xiriira dhacdo dhab ah oo haatan ka socota biyaha gobolka.

Ilaa hadda lama oga sababata keentay gubashada maraakiibtan iyo dalalka laga lee yahay.

Marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, waxaa mara ku dhawaad 30% shidaalka laga adeegsado caalamka.

Xaalad kasta oo marinka uu la kulmo waa mid saameyn deg deg ah ku leh suuqyada shidaalka, xilli gobolka bariga dhexe uu wajahayo colaadda u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here