Maraakiibta oo ka cabsi qaba isticmaalka badda cas

0
54

Baladwayne (Radio Beerlula )-Mid ka mid ah shirkadaha maraakiibta ugu waaweyn adduunka, Hapag-Lloyd, ayaa sheegtay in ay weli aad khatar u tahay in dib loo bilaabo socdaallada badda cas.

Shirkadda maraakiibta shixnadaha ee Jarmalka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto u weecinta maraakiibteeda koonfurta Afrika taas oo ah wareeg dhowr kun oo kiilo mitir ah.

Hapag-Lloyd iyo kuwa kale ayaa hakiyay isu-socodka badeecadaha badda cas, sababo la xiriira weerrarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geysanayaan fallaagada XuutiyiintaYemen.