Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dayax-gacmeed laga leeyahay Maraykanka ayaa markii ugu horraysay muddo 50 sannadood ah, wuxuu ku degey meel u dhow cidhifka koonfureed ee dayaxa. Dayax-gacmeedkan, oo ay hawada sare u dirtay shirkad gaar ah oo lagu magcaabo Intuitive Machines ayaa dayaxa ku degay fiidnimadii Khamiista ee wakhtiga Washington DC.
Daqiiqadihii ugu horreeyey ayay cillad farsamo ku timi isgaadhsiintii lala samaynayey aaladdan, gaar ahaan in aaladdani ay fariimo u soo gudbiso xarunta laga maamulayey oo ku taalla magaalada Houston ee ku taalla gobolka Texas ee dalkan Maraykanka.
Daqiiqadihii ugu horreeyey ayaa ahaa kuwo culays badan ku keenay shaqaalaha iyo farsamo-yaqaannada la socday xaaladda dayax-gacmeedka.
Muddo 10 daqiiqadood ah ayay qaadatay in fariimo laga helo dayax-gacmeedka, ka dib markii ay shaqayn wayday, mid ka mida, warlalisyada ama Antenooyinka, ku xidhani, hase ahaatee ugu dambayn fariimo ayaa laga helay muujinaya in uu si nabad ah u degey.