Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay koox Israa’iili ah oo is hortaagi jirtay gargaarka

0
30

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dawladda Maraykanka ayaa waxay cunaqabateyn ku soo rogtay koox Israa’iili ah oo ay sheegtay in ay weerartay kolonyo waday gargaar bani’aadanimo oo ku sii jeeday Gaza.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in urur xiriir laleh Israa’iil oo iskood ah ula hawlgal dadka dadka sharci darrada ku daggan Daanta Galbeed cuna-qabateyn la saari doono, sidoo kalana dadka Maraykanka ah oo dhan laga mamnuuci doono in ay wax macaamil ah la sameeyaan.

Muddo bilooyin ah ayaa waxaa kooxaha ololeeyayaasha ee Israa’iil ay ka hortagayeen in kolonyoooyinka wada gargaarka bani’aadanimo ay u gudbaan dhinaca Falastiin, gaar ahaan Markinka Gaza.

Bishii May saddex iyo tobankeedii, waxaa la duubay dibadbaxayaal weeraraya laba gaari oo xamuulka qaada oo ku sugnaa Daanta Galbeed ee la haysto, iyaga oo jeexjeexayay, sidoo kalana burburinayay jawaano ay ka buuxdo qamadi, waxa kale oo ay gubayeen gaadiidka. Aqalka Cad ayaa ku tilmaamay “bililiqadaas” gaadiidka waday gargaarka “in ay ahayd xadgudub cad”.