Maraykanka oo curyaamiyey qalabka laga hago hubka Iran

0
381

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wararka ka imaanaya Maraykanka ayaa sheegaya in Khamiistii uu Maraykanku weerar ku qaaday hannaanka kombuutarradda ee dalka Iran, kaddib markii madaxweyne Trump uu ka noqday weerar dhanka cirka ah oo uu dalkaas ku qaadi lahaa.

Weerarkan dhanka kombuyuutarrada ah ayaa curyaamiyey barnaamijka laga maamulo gantaalaha riddada dheer, sida uu sheegay wargayska Washington Post.

Wargayska New York Times ayaa sidoo kale sheegaya in tallaabadaan ay ahayd aar goosi looga jawaabayey diyaaraddii aan duuliyaha lahayn ee ay Iran soo ridday, iyo weerarkii lagu qaaday maraakiibta shidaalka qaada ee Maraykanku uu Iran ku eedeeyey.

Maraykanka ayaa Iran ku soo rogay cunaqabatayn uu madaxweyne Trump ku tilmaamay “mid ba’an”.

Waxa uu sheegay in cunaqabatayntaasi ay ka hortagayso in Iran ay yeelato hub nuclear ah iyo in cadaadiska dhaqaale la sii wado doono ilaa inta xukuumadda Tehran ay wax ka baddalayso jihada ay u socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here