Maraykanka oo fasaxaya in dalkiisa laga soo saaro 15 milyan oo foosto oo shidaala.

0
181

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa qorshaynaya inuu fasaxo in illaa 15 milyan oo foosto oo shidaala, in laga soo saaro goobaha kaydka ee Shidaalka Maraykanka taas oo uu doonayo inuu kaga jawaabo tallaabadii uu qaaday ururka ay ku bahoobeen dalalka soo saara shidaalka ee OPEC+, kuwaas oo go’aansaday in marka la gaadho bisha November inay hoos u dhigaan waxsoosaarkooda.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay inay sidoo kale jiraan, tallaabooyin lagu kordhinayo, shidaalka uu Maraykanku iibgeeyo, marka la gaadho xilliga Jiilaalka.

Maamulka Biden ayaa haatan isku dayaya inuu xakameeyo sicirka shidaalka ka hor inta aan la gaadhin, doorashooyinka xilliga dhexe ee la filayo inay Maraykanka ka dhacaan bisha November ee innagu soo aaddan.

Masuuliyiin magacooda qariyey ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in madaxweyne Biden uu goordambe oo Arbacada ah la hadlayo shacabka, si uu faahfaahin uga bixiyo habka loo marayo soo saarista shidaalka dheeriga ah ee ku jira goobaha kaydka ah ee Maraykanka.