Baledweyne ( Radio Beerlula )-Qoraal ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xayiraad lagu soo rogay sharci yaqaanno ka tirsan maxkamadda ICC.
“Waxaana loola danleeyahay in cawaaqib la taaban karo oo weyn lagu soo rogo kuwa sida tooska ugu lugta leh xadgudubka ICC ee ka dhanka ah Maraykanka iyo Israa’iil” ayaa lagu yiri qoraalka.
Afarta qof ee xayiraadda lagu bartilmaameedsaday ayaa kala ah:
KIMBERLY PROST, xaakim, qaybta dacwadaha, Maxkamadda caalamiga ee dambiyada.
NICOLAS YANN GUILLOU, xaakim, qaybta dacwadaha, Maxkamadda caalamiga ee dambiyada.
NAZHAT SHAMEEM KHAN, Ku xigeenka dacwad oogaha, Maxkamadda caalamiga ee dambiyada.
MAME MANDIAYE NIANG, Ku xigeenka dacwad oogaha, Maxkamadda caalamiga ee dambiyada.
Natiijada cunaqabataynta ayuu maraykanku sheegay inay noqonayso in la xannibo “dhammaan hantida iyo danaha dadka la cunaqabateeyey.


