Marco Verratti Oo Macsalaameeyay PSG Iyo Kubada Cagta Yurub

0
64

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xiddiga Talyaaniga Marco Verratti ayaa si rasmi ah  uga tagay Paris Saint-Germain waxaana uu ku biiray kooxda reer Qatar ee Al Arabi.

Waxaa uu ku sugnaa magaalada Doha maalmihii ugu danbeeyay isagoo marayay tijaabada caafimaadka, wuxuuna maanta saxiixay qandaraas uu lacag badan ku qaadanayo.

Waxaa saxiixiisa lagu shaaciyay baraha bulshada iyadoo Al Arabi ay soo qaadatay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano iyo oraahdiisa caan baxday ee “Here we go!”

Verratti oo 30 sanno jir noqonaya bisha November ayaan waligiis ka ciyaarin horyaalka Serie A, waxayna u muuqataa inaysan taasi haatan isbedeli doonin iyadoo PSG ay kala soo wareegtay kooxda Serie B ka dhisneyd ee Pescara oo ay 12 milyan euro uga soo iibsadeen xagaagii 2012kii.

Waxaa sidoo kale lala xiriirinayay kooxaha Sacuudiga ee Al Hilal iyo Al Ahli laakiin PSG ayaa hishiis la gaari weysay kooxahaas.

PSG waxay haatan Marco Verratti ku iibisay lacag gaareysa 45 milyan euro.

Verratti ayaa ka tagaya PSG ka dib 416 kulan uu u saftay isagoo u dhaliyay 11 gool islamarkana caawiye ka ahaa 61 gool, wuxuu qaatay lix casaan ah halka la siiyay 136 jaale.