Baledweyne ( Radio Beerlula )-Marcus Rashford ayaa qirtay inuu diyaar u yahay tartan cusub xilli ay jiraan warar sheegaya in Manchester United ay iibineyso suuqa soosocda.
Rashford, oo 27 jir ah, ayaa laga saaray safka United ee wajahay kooxda ay xafiiltamaan ee City Axadii, iyadoo maamulaha cusub ee Ruben Amorim uu go’aankan qaatay isagoo ku saleeyay qaab ciyaareedkii ugu dambeeyay ee weeraryahanka.
Waxaa lagu soo waramayaa in United ay diyaar u tahay inay lacag kaash ah ku hesho Rashford, kaasoo kooxda ku soo biiray isagoo jira 7 sano.
Aniga ahaan, shakhsi ahaan, waxaan u maleynayaa inaan diyaar u ahay tartan cusub iyo tillaabooyin cusub ayaa laga soo xigtay Rashford.
Go’aanka Amorim uu kaga tagay kulankii City, xiddiga kasoo qalin jabiyay Academy-ga ayaa lagu tilmaamay wax laga xumaado.
Rashford ayaa 30-gool u dhaliyay United xilli ciyaareedkii 2022-23, laakiin dib u dhac xoogan ayuu saneeyay 18-kii bilood ee la soo dhaafay, inkastoo uu u saxiixay qandaraas waqti dheer ah oo qaali ah.
Paris Saint-Germain iyo Barcelona ayaa horay loola xiriirinayay saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka England, kaasoo xulkiisa aan looga yeerin tan iyo 2022.