Mareykanka iyo Sacuudiga ‘oo ku dhow’ heshiis horseedi kara xiriir ay yeeshaan Riyadh iyo Israel

0
103

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhow inuu dhameystiro heshiis lala galo Sacuudi Carabiya, kaasi oo u ballan qaadaya in Mareykanka uu difaaco boqortooyada, islamarkaana qeyb ka ah heshiis looga gol leeyahay dhiiri-gelinta xiriir diblomaasiyadeed oo dhex-mara Riyadh iyo Israel, waxaa sidaas Axaddii qoray wargeyska Wall Street Journal oo oo soo xiganaya saraakiil Mareykan iyo Sacuudiyaan ah.
Heshiiska suurto-galka ah, oo ay si weyn uga shaqeeyeen Maraykanka iyo mas’uuliyiin kale muddo toddobaadyo ah, ayaa qayb ka ah xirmo ballaaran oo ay ku jiraan heshiis nukliyeer oo dhex-mara Maraykanka iyo Sucuudiga, tillaabooyin loo qaadayo dhismaha dawlad Falastiin ah iyo soo afjarida dagaalka Gaza ka socda, halkaasi oo dadaallo xabad joojin oo bilo socday ku guuldareysteen in ay nabad keenaan.
Ansixinta heshiiska, oo Wall Street Journal, uu sheegay in loo yaqaan Heshiiska Isbahaysiga Istaraatiijiga ah, ayaa u baahan doonaa saddex-meelood laba-meelood codka aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka, taasi oo ay adkaan doonto in la helo haddii aan heshiiska lagu xirin xiriir dhex-mara Israa’iil iyo Sucuudiga.
Heshiiska qabyada ah waxaa loo qaabeeyey si u eg heshiiska amniga wadajirka ah ee Washington ay la gashay Japan, sida uu wargeysku ka soo xigtay saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga.