Mareykanka iyo Talibaan oo qarka u saaran inay heshiiyaan.

0
300

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wadaxaajoodka u dhexeeya Maraykanka iyo Talibaanka Afghanistan ayaa si dardar leh uga socda magaalo madaxda Qatar ee Dooxa waxaanay labada dhinacba doonayaan in la gaadho heshiis taariikhi ah.

Waxaa jira calaamada sii kordhaya oo muujinaya in goor dhow heshiis lagaari doono ayna u badan tahay in la saxiixi doono toddobaadka soo socda.

Heshiiska ayaa waxaa ka mid noqon doono in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Afghanistan halka Talibanna laga xasiixi doono in Afghanistan ay noqoto goob ka caaggaan kooxaha argagixsda sida Al Qaeda.

Taliban ayaa sidoo kale wada hadal la bilaabi doonto eregada mataleeysa dowladda Afghanistan.

Toddobaadkan ayay wadahallada u dhaxeeya Mareykanka iyo taliban xoogga la sii saaray iyadoo ergada ku shireysa magaalada doha ay ilaa saqda dhexe ku gaarayeen wada xaajoodka.

Afhayeen u hadlay ururka Taliban ayaa bilowgii toddobaadkan sheegay in arrimihii ugu waaweynaa haatan la xalliyay balse xallinta kuwa yar-yar ay weli u baahan yihiin in waqti la siiyo.

Mareykanka waxa uu horey ugu aqonsanaa kooxda Taliban koox argagixiso ah, dagaal ayuuna kula jiray in ka badan 17 sano.

Balse waxaa muuqata in mareykanka imika uu isku dayayo in qaab wadaxaajood ah uu u maro xal u helidda dhibaatada afqanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here