Mareykanka iyo Turkey oo heshiis ka gaaray iibka diyaaradaha F-16.

0
79

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Turkiga iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday qandaraas Ankara looga iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka dib markii Washington ay aqbashey heshiiskan oo ku kacaya 23 bilyan oo dollar.

Heshiiska ayaa yimid ka dib bilo wada xaajood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga.

Sida ku cad heshiiska, Turkigu wuxuu heli doonaa 40 diyaaradood oo cusub oo ah F-16 iyo in loo casriyeeyo ilaa 79 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda jira.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa toddobaadkii hore bogaadisay “tallaabo weyn oo hore loo qaaday” oo ah iibsashada Turkiga ee diyaaradaha cusub ee F-16 oo ay ku tilmaantay “F-16-kii ugu horumarsanaa ee abid la sameeyo lagana iibiyo oo kaliya xulafada ugu dhow.