Mareykanka oo ardeyda shiinaha ku eedeeyay basaasnimo.

0
72

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mareykanka ayaa ku eedeeyey Ardayda Shiinaha ee wax ka barta Jaamacaddaha dalkaas basaasnimo iyo in ay si sharciga baal marsan ku heleen Cilmi baadhisyo uu mareykanku sameeyey oo laxidhiidha dhinaca Tignoolajiyadda.

Guddi ka tirsan baarlamaanka Maraykanka ayaa codsaday lix jaamacadood oo ku yaalla Mareykanka in ay bixiyaan xog ku saabsan ardayda Shiinaha ee ku jira barnaamijyada cilmi-baadhista sayniska, tiknoolajiyadda, injineerinka, iyo xisaabta (STEM).

Dowladda Shiinaha ayaa dalbatay in la ilaaliyo badqabka ardaydeeda ku sugan Maraykanka, kadib go’aankan ka soo baxay guddiga ka tirsan baarlamaanka Maraykanka.

Dowladaha Mareykanka iyo shiinaha ayaa dhowr jeer isku eedeeyay inay midba mid kale u adeegsanayo si u basaaso , shirkaddaha gaarka loo lee yahay sida TIKTOK, Apple iyo ardeyda jaamacaddaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here