Mareykanka oo Bilaabaya Barnaamij Fududeynaya In Qaxootigu ay Tagaan Dalkaas

0
54

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo dhanka qaxootiga ah, kaas oo muwaadiniinta Mareykanka u oggolaanaya in ay doortaan dadka ay rabaan in loo keeno Mareykanka.

Mashruucan ayaa loogu tala galay in qoysaska looga caawiyo, in ay dib ula midoobaan kuwa ay jecelyihiin ee ka maqan. Waxaa sidoo kale fursad u heysta in keenista dadka qaxootiga ay ku lug yeeshaan qof kasta, kooxaha diinta iyo ururrada bulshada qaarkood.

Barnaamijkaan oo qeyb ka ah hindisaha loogu magac-daray Welcome Corps, ayaa u ogolaanaya koox ka kooban shan ama in ka badan oo muwaadiniin Mareykan ah ama dadka heysta deganaashaha joogtada ah, in ay codsan karaan qof ama qoys si ay mas’uul uga noqdaan keenitaankooda gudaha Mareykanka.

Kooxdan shanta ah ayaa ku guuleysan kara keenitaanka dadka ay rabaan haddii ay shakhsiyaadka la keenayo buuxiyaan shuruudaha laga rabo isla markaana ay ku gudbaan baaritaannada dhanka amniga, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.

Dadka la filayo in barnaamijkaan ay ka qeybgalaan ayaa waxaa ka mid ah qoysaska iyo qaraabada qaxootiga, kooxaha diinta, ururada u dooda dadka isku jinsiga ah iyo halyeeyada u soo dagaallamay Mareykanka