Mareykanka oo ciidamadiisa qaar kala baxay Niger.

0
90

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay, in qaar ka mid ah ciidankeeda ay kala soo baxday saldhigga ciidanka cirka Niger ee 101, ee u dhaw garoonka diyaaradaha magaalada caasimadda ah ee Niamey.

Tallaabadan ayaa imaneysa todobaadyo yar ka hor inta uusan Mareykanka ka bixin saldhigga weyn ee diyaardahiisa drone-ka ee u dhaw magaalada Agadez ee ku taalla saxaraha Niger.

Taliska millatari ee xakuma Niger ayaa bishii April amar ku bixiyay, in Mareykanka uu Niger kala baxo ilaa 1,000 askari, bilo kaddib marki ay saraakiil ka tirsan millatariga afganbiyeen dowladdii hore ee Niger, sannadki hore.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradda gaashaandhiga Niger iyo Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskaashi iyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo dhex maray ciidamada Niger iyo kuwa Mareykanka aawgeed, uu howlgalka ka bixista uu si guul leh ku dhammaaday ka hor waqtigi loogu tala galay.