Mareykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay dowladda Sudan

0
127

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan adeegsatay hub kiimiko ah waxuuna ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in dowladda Suudaan adeegsatay hub kiimiko ah sanadkii hore intii uu socday dagaalka sokeeye ee ka dhanka ah Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF).

Dhoofinta alaabaha Maraykanka ee Suudaan ayaa la xadidi doonaa iyo sidoo kale amaahda maaliyadeed laga bilaabo 6-da Juun, sida lagu sheegay bayaan uu akhriyay af hayeenka wasaaradda Tammy Bruce.

Milateriga Suudaan iyo kooxda dagaalka kula jirta ee RSF ayaa labaduba waxaa horay loogu eedeeyay dambiyo dagaal intii ay socdeen iskahorimaadyada u dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here