Mareykanka oo dalal ka tirsan Afrika ka saaraya barnaamijka ganacsiga ee kobaca iyo fursadaha

0
75

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii sheegay in uu doonayo in uu soo afjaro ka qeybgalka dalalka Gabon, Niger, Uganda iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee barnaamijka ganacsiga ee kobaca iyo fursadda Afrika (AGOA).

Biden waxa uu sheegay in uu tillaabada u qaadayo “xadgudubyo waaweyn” caalamku aqoonsan yahay oo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ka dhacay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Uganda.

Waxa kale oo uu tusaale u soo qaatay in Niger iyo Gabon ay ku guuldaraysteen in ay dhidibada u taagaan ama ay horumar joogto ah ka sameeyaan ilaalinta nidaamka siyaasadda iyo ku dhaqanka sharciga.

“Inkasta oo ay si weyn u wada shaqaynayeen Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Gabon, Niger, iyo Uganda, haddana dalalkani waxay ku guuldaraysteen inay wax ka qabtaan walaaca Maraykanku ka qabo u hoggaansami la’aantooda shuruudaha u qalma AGOA,” ayuu Biden ku yiri warqad uu u diray afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Biden waxa uu sheegay in uu damacsan yahay in uu joojiyo ka qeybgalka dalalkan ee dalalka ka faa’iidaysanaya heshiiskan ee ka hooseeya saxaraha Afrika sida uu dhigayo sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika, laga bilaabo January 1, 2024.