Mareykanka oo fashiliyay qorshe ay Iran ku rabtay in ay ku disho Trump

0
48

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Jimcihi shalay shaaca ka qaadday, qorshe ay sheegtay in ay Iran soo maleegtay kaas oo ay ku rabtay in ay ku khaarijiso madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ka hor iyo kaddib doorshadi dhacday Talaadadi aanu kasoo gudubnay.

Waaxda Caddaaladda waxay sheegtay in qorshaha dilka Trump ay Iran u adeegsatay nin lagu magacaabo Farhad Shakeri, kaas oo muddo ku qaatay xabsiyada Mareykanka, isla markaana gudaha Mareykanka ku leh saaxibbo khatar ah oo uu ku dhex bartay xabsiyada.

Shakeri waxa uu FBI-da u sheegay in uu bishii September uu xiriir la sameeyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, kuwaas oo u sheegay in uu dhinac iska dhigo shaqooyinka uu hayo, isla markaana uu xoogga saaro kor kala socoshada dhaq-dhaqaaqa Trump kaddibna uu dilo.

Warkaan ayaa laga soo xigtay bayaanka ku qoran dacwad ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ka gudbisay Farxan Shakiri, kaas oo shalay loo diray Maxkamadda Federaaliga ah ee degmada Manhattan ee magaalada New York.

Ninkan lagu eedeeyay qorshaha dilka Trump ayaa sheegay in uu rabay in uu khaarijinta u adeegsado shabakad danbiilayaal ah oo uu ka sameeyay gudaha Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here