Baladweyne ( Radio Beerlula )-Rwanda iyo DR Congo, ayaa si rasmi ah u gaaray heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaaddii iyo khilaafkii muddada dheer jiray.
Rwanda ayaa ka saari doonta ciidankeeda DR Congo, iyadoo heshiiska uu dhex dhexaadiyay Mareykanka, waxaana saxiixay labada Wasiir arrimo dibadeed oo uu weheliyay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.
Iskuday Qatar ku doonaysay inay labadan dal heshiis ku dhex dhigto ayaa dhawaan guul darraystay, balse Mareykanka oo la gaaray heshiis macdan ah sameeyay.
Mareykanka ayaa dhawaan ka billaabaya gudaha Rwanda iyo DR Congo , howlgal macdan qodis ah oo ay weheliso in dalalkaa la geyn doono ciidamo calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah oo ka socda shirkadda Black water.


