Mareykanka oo liis madow gelinaya dalalka sida “caddaalad-darada” ah u xira muwaadiniintooda.

0
124

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay jimcihii amar madaxweyne kaas oo u ogolaanaya wasaarada arrimaha gudaha in ay liiska madow geliyaan dalalka sida caddaalad-darada ah ku xira muwaadiniinta Mareykanka iyo in ay saaraan ganaax adag.

Dalalka Shiinaha, Iran iyo Afghanistan ayaa ka mid ah dalalka loo arko in liiska lagu daro sida uu sheegay la-taliyaha madaxweynaha.

Amarka madaxweynaha waxa uu Trump ku sheegay in hadda uu Mareykanka liiska madow gelinayo dalalka sida caddaalad-darada u xira dadkooda.

Dowladda Mareykanka degdeg uma shaacin doonto magacyada dalalka lagu darayo liiskaas kaddib amarka madaxweynaha balse la-taliyaha Donland Trump waxa uu sheegay in dalalka Shiinaha, Iran iyo Afgahanistan loo arko in lagu daro liiskaas madow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here